Akhriso Beesha Sure Oo Si Kulul Uga Hadashay Hadalkii Gefka Ahaa Ee Kasoo Baxay Xildhibaan Axmed Fiqi

Waxgarad Iyo qeybaha Kala duwan ee Beesha Sure ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay cambaareeyeen islamarkaana War murtiyeed kaso saareen hadal dhawaan kasoo yeerey Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi.

Beesha Sure ayaa sheegtey in wax la aqbali karin ay tahay in Muwaadin Soomaaliyeed oo haayo xil qaran lagu tilmaamo in uu dheeri ku joogo dalka, waxaana ay ku baaqeen in hadalkaas dib looga laabto.

Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka fedaraalka ayaa xeer ilaaliyaha qaranka ee dalka Dr Axmed Cali Daahir ku tilmaamey in uu yahay Nin dheeri ku ah dalka oo uu ula jeedo in Xeer ilaaliyaha uu yahay Ethiopian aan u dhalan dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE