Somaliland Waa Dawlad, Waana Lagu Khasban Yahay In La Aqoonsado – W/Q: Yusuf Cumar

Horta waxaan ku bilaabayaa duco iyo hanbalyo marlabaad aan u dirayo shacabka iyo dawlada somaliland.Waxaan uugu ducaynayaa in  illaahay ka qabto cadawga shisheeyaha ah dhulkoodana u barakeeyo nabad iyo barwaaqana siiyo oo u sii siyaadiyo intay hada haystaan.waxaan uugu hanbalyaynayaa,hormarka ay ka gaareen dhanka ismaamulka iyo kala danbaynta iyo dawladnimada tan iyo intii ay la soo noqdeen dawladnimadooda ay hore uugu biireen koonfurta soomaaliya,oo isku biiridaasi noqotay mid burburtay kadib markii ay dhacday dawladii soomaaliyeed 1991 oo dalku noqday xaalad MAQNAANSHO DAWLO.waxaan uugu hanbalyaynayaa doorashadii sanadkan dhacday,oo u dhacday nin iyo cod iyo xisbiyo baratamay sida dalalka horumaray xaga dawladnimada,taasoo ku dhamaatay si xasiloon oo xor ah.

Horaa loo yiri “GARI LABA NIN KAMA WADA QOSLISO” Guushii doorasho nin baa helay oo soobaxay intii kalana waa aqbaleen guushaas una hanbalyeeyeen una balan qaadeen in ay la shaqaynayaan.waana sida saxda ah kol hadii baratankii dhamaaday dalkaa loo wada shaqaynayaa iyadoo garbaha lays haysto.Arimahani maha kuwo iska dhacaya,ee waxaa keenay maskax iyo aqoon iyo ilbaxnimo ku dheehan fahanka macnaha dawladnimo leedahay.Iska jir ma ihi somaliland laakiin waxan ahay qof aan marnaba la dagaalamayn hormarka bani aadmigu gaaray ama tiigsanayo.ma inkiri karo mana diidi karayo shamso soo baxday oo sacabadaydan kuma qarinkaro, dawmaha in aan daalo oo aan xaqa muuqda la diriro oo aan ka hor imaado hormarka taa badalkeeda waxaan qaatay in aan taageero xaqa iyo hormarka,dhanka kale xataa maslaxdayda aduun ayaa ku jirta in taan aakhiraba la gaarin oo uugu yaraan faraxad ayaan ku noolaan.

Cidkastoo u fikirta sida qalooca iyo is hortaaga waxaysan awoodin oo ah hormar la dirir waxana kama qaado hormaka aadamaha oo wakaa intaa kor loo socdo,isaga unbaa ku habsaamay gari go an cidla ah. isaga unbaa caafimaadkiisii iyo faraxadiisii iyo noloshiisii aduun isku ciriir yay oo isaga ciyaaray,aakhirana siday culimadu inoo sheegeen ma qurxoona xaalkiisu.waxaan ku taageerayaa kuna faraxsanahay kuna amaanayaa dawladnimada buuxda ee hana qaaday ee tagtay ee talaabsatay ee soomaaliland.

Waxaan dawlada somaliland ka cod sanayaa in ay la timaad shaqo abuur,dhalin yarada ah.isku tashi in ganaacsatada dalka ay isu tagaan abuuraan warshado wax soo saar,oo warshadiiba dad farabadan u shaqatagaan,suuqna dawladu u xirto ah mid gudaha ah oo waxay soo saarto lagu iibiyo.ganaacsataduna ka faa iido,dalku ka faa iido dhalintuna ka helaan shaqo. waxaan codsanayaa in dhanka beeraha iyo bada xoog la saaro oo lasameeyo in cid walba lala kaashado in mashaariic labadaas ku saabsan lagu kaalmeeyo,cidna dawladu yaysan waydiisan lacag cadaan ah  marka laga hadlayo mashaariicdaan,hawaydiistaan in cida ku caawinaysaa gacanta ku hayso hawsha iyo wixii ku baxaya iyo maamulideeda oo dhan,waayo dhawr qof oo ajinabi ah oo mushahar ka helaya mashruuca oo madax ah waxba kaama dhibto,maadaama aad helayso dadkaagii oo shaqaale ah,aqoon aad ke heshay iyo dalkaagii oo hormaraya tanaa dan ah.

waayo badanaa afrika kalsooni laynaguma qabo,oo hadii malaayiin laynoo dhiibay waxna kumaynaan dhisan,meel ay ka baxdayna rag iyo ruux lama hayo midna!! waxaa haboon in mashaariicdu ka hirgasho dalka. waxaan ku talinayaa oon uula jeedo codsanayaa in dhaqanka soo jireenka ah ee soomaaliland la ilaaliyo,sida ciyaaraha dhaqanka,gabayada,heesaha,afka hooyo.hadii kale qiimo yeelan maayaan jiilasha danbe ee dawalda soomaliland.Adeer afkaaga ku faan waxna ku baro waxna ku qabso adoon laguu diidanayn barashada afafka kale oo dhan.

Waxaan jeclahay in gacan bir ah lagu qabto amaanka somaaliland,waana waajib in sadexda xisbi si wada jir ah u xajistaan oo aan marnaba laysku khilaafin arimaha amaanka somaaliland iyo jiri taanka dawladnimo.Adeer citiraaf waa maxay? khalad yaan la fahmin dawlad ayaad tihiin nin walbaa idiin baahan.hor usoco dhis dalkaaga iyo dadkaaga hana noqnina nin fure jeebkiisa ku jira baadi goobaya oo naadinaya si gurigiisa uu u furto.wad haysan ee maxajisan kartaan? waad gaarteen ee ma hormarin kartaan?

Adeer koonfur waad aragtaan,maba maleeyaan macnaha dawlad nimo leedahay! wax kalaba daayoo kan hada u danbeeya oo aan orankaro intii soomartay koonfur mindhaa waa kan loogu qaatay,oo ay dhab ka tahay in uu isbadal kasameeyo koonfur gaar ahaana xasiliyo Mogdisho,iskuna dayay in uu kasaaro shabaabka koonfurta soomaaliya oo dhan,dhanka kalana layimid ladagaalan musuqmaasuq oo aad aragtaan sida uu umaareeyay dhaqaalihii una bixiyo mushaharada shaqaalaha dawlada iyo ciidanka.Ninkan noocaan ah ayaa la rifayaa oo kolba beeli u soo xayd xaydanaysaa,oo haduu is yiraa sharciga fuli loogu soo duulayaa beel ahaan! isagana beeshiisu madagana Mogdisho bal yaabka la arkay.

Kii isaga doonta la saaraa ee wasiirka u ahaa,ayaa hadana la socda kuwa diidan in halkaa dawladi ka dhalato shaqaysa,qofkaa sifahaas leh ee labada waji leh aakhiro dawo malaha hadii loo kitaab dayay. nin baa laga sheegay “ruux kaliya oo laba waji leh masalo weeye aanan maqal!!!” dadkani waxay ka soo horjeedaan dawladnimada,karaamada qofka,wadaniyada,soomaalinimada, iyagu waa dawlad diid.hadaynu is oran lahayn war hadee amay nimanku doonayaan kursiga madaxwayne nimada? waxaad ogaataa in mudo hada ku dhaw sodon sanadood koonfurta soomaaliya marka laga reebo laba nin mooyee iyagaa ka ahaa madaxwayne mar walba,labada jeerna waxay ka ahaayeen raysalwasaare iyagu markaa taa ku quuso.

Halkan kolkaa waxaan rabaa dawlada soomaaliland in ay u fikirto si sare,dad dawlad dhisan kara oo ismaamuli kara majiraan koonfur soomaaliya,taa macnaheedu waxaa weeye dadkii iyo dalkii soomaaliyeed malaha aayo.waxa maanta u nool soomaali waa idinka kolkaa xil wayn baa idin saaran iyo masuuliyad qaran.laba arimood ayaad xor u tihiin oo aad u madax banaan tihiin waxayna ilatahay sidan.

  1. In aad dhigtaan gogol nabadeed oo labadii shalay is raacday isugu yimaadaan,kadibna iyadoo lakala yahay laba dawladood oo siman in soomaaliya dhisato dawlad rasmi ah oo soomaali heshiis ku tahay oo dhab ah taasoo aynaan helin taariikhda waligeenba.Aduunyaduna way idinku taageeri dhaqaalana ku bixin,waana bad baado qaranka soomaaliyeed iyo dhisid dawlad soomaaliyeed oo rasmi ah markii koobaad.

2.Inaad xajisataan dawlad nimadiinaas oo iska ilaalisaan dhagarta iyo sharta koonfur,iska iloowdaan ka fakartaan hormarka dalkiina iyo amaankiina.sidana xaqbaad u leedihiin.Maanta waxaad haysataan fursad gaalo iyo muslinba idiinku garaabayo oo ah awood ah in aad soomaali bad baadinkartaan,oo aad haysataan dhul nabad ah oo dawladi ku shaqayn karto,markaa waxaan arkaa war bal hee dhaha hanka sare u qaada oo noqda kuwo waxoodii wax kale oo ka wayn ku darsaday. soomaalidu maba diidi karaan ee haday taladiina ka horyimaadaan iyo inaad xalisaan dhibka jira oo aad soo afjartaan aakhiro iyo aduunba waad ku xil iyo eed la dihiin xaq iyo gar baadna ku joogtaan.

waxaan u rajaynayaa madax wayne muuse biixi iyo shacabka somaliland iyo dawlada soomaaliland hormar iyo guul.waxaan ku soo oodayaa maqaalkan yar dawlada somaliland ha siiso door fiican iyo soo dhawayn culimadeena diinta,waxaynu nahay ka soomaali ahaan dad suni ah shaafici ah mana qaadi karo duulkale oo leh mad hab kale,in laynagu dhex faafiyo xataa haday sax tahay,waayo hade teenaba sax ah oon ku iimaan qabnaa.waqtigan dadkii caqiidadii ayaaba laga fidnaynayaa,markaa shacab iyo dawladba aynu soocelino ixtiraamkii iyo qadarintii culimada diinta. wadaadada diintana waxaan leeyahay istoosiya oo ilaaliya umada caqiidadeeda iyo diinteeda aynu boqolaal sano soo haysanay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE