Dagaal Culus Oo Soo Gaaray Ilaa Gabal Dhicii Caawa Oo Ka Dhacay Deg Nambar 50 Iyo Gaadiid Dagaal Oo Ka Qeyb Qaatey

Wararka aan ka haleyno Gobolka Shabeelada hoose gaar ahaan degmada Nambar 50 ayaa ku waramaya in dagaal culus halkaas uu ku dhex marey Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab iyo Ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan.

Dagaalka ayaa markii hore ka bilowdey deegaan lagu magacaabo Garas Sheemo halkaas oo ay isku urursanayeen maleeshiyaad Shabaab ah, waxaana weerar jihooyin kala duwan ah ku qaadey Ciidamada Nambar 50.

Sida wararka aan ku heleyno dagaalka ayaa bilowdey wax yar ka hor salaadii casir iyadoo labada dhinaca ay isku adeegsanayeen hub cul culus, sidoo kale dagaalka ayaa ahaa mid qeybo kala duwan ku fidey.

Hase ahaatee saacadda markii aheyd 5-tii Galabnimo dagaalka waxa kusoo biirey laba gaari oo Cabdi bile ah oo gurmad kasoo qaadey degmada Awdheegle, xilligaas wixii ka dambeeyey ayuu aad u cuslaadey dagaalka.

Wuxuu soo soo gaarey ilaa deegaanka Fida-muuse oo ka dhiagn in maleeshiyada Shabbaab gurmadka ay heleen xoogaa ay usoo riixeen Ciidamada Maamulka Nambar 50 laakiin gurmad Cusub oo dagaalka dib ugu biirey ayaa Shabaab ku kilafey in goobta dagaalka ay uga cararaan ilaa todoba Meyd ah.

Saacadda markii ay aheyd todabadii fiidnimo ee caawa ayaa Ciidamada Dowaladda ee Nambar 50 ku sugan waxay dib ula wareegeen dhul badan oo markii hore Shabaab ku dhuumaaleysan jirey.

La soco warar kale oo dagaalka ku saabsan

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE