Dawlada Uugu Xooga Badan Afrika Iyo Milatariga Uugu Dagaal Yahan San Caalamka Waa Soomaaliya (Sawiro)

Dalka soomaaliya sida taariikhda aduunku qorayso,waxa uu ahaa mid leh rag dagaal yahano ah xaga dagaalka.markaan ka haro taariikha aadka u fog,waxaan ka xusaynaa gumaysigii afrika lagu soo duulay ee ay qabsadeen reer galbeedku qaarada,waxaa ka jiray dhaq dhaqaaqyo gobonimadoon oo laysaga tuurayay heer yadii gumaysiga.

Dalka soomaaliya waxaa ka dhashay dhaq dhaqaaqii daraawiisheed,xiligaa soomaalidu waxay ku dagaalamayeen warmo,gashaan,tooreey iyo qoryo yar oo xiligaa jiray.Kolkii gumaystihii iska caabin waayay oo loo babac dhigi waayay dagaalyahanadii daraawiisheed,oo ay dileen madixii u sareeyay gumaystihii ingiriis ee qaarada afrika oo la oran jiray koofil,kaasoo laga soo badalay afrikada galbeed oo uu u joogay gumaysi.

Arintaa oo ka caraysiisay reer yurub iyo boqortooyadii ingiriiska ayaa keentay in aan soomaalida laysaga celin karin ilaa diyaarad waxaan ahayn.kuma fila ayaa la yiri ciidanka lugtu ilaa diyaarad  lahelo dusha ka garaacda mooyee.Darwiishi waxay noqotay dhaq dhaqaaqyadii afrika ee gumaysi diidka ahaa kuwa kaliya ee diyaarad loo adeegsaday.soomaaliya waxay noqotay dalka kaliya ee loola yimid diyaarad xiligaas.soomaaliyana ma jirin wax lid diyaaradeed ah iyo cid qori la gaarta diyaarad oo soo ridi karta.

Tan labaad dagaaladii 1977 dii,u dhexeeyay Eithiopia iyo Soomaaliya waxa uu ahaa mid mudo yar ay ku qabsatay Soomaalidu Eithiopia oo Adis-ababa ciidanka xooga soomaaliya u jirsaday 30km oo kaliya.Waxaa isugu tagay Soomaalida ruushka,kuuba,yemen oo garabsiiyay sitoos ah ciidan ahaana uula soo dagaal galay Eithiopia.

Soomaalida wax ciidan ku hor istaagi kara majiro caalamka waa kuwa uugu horeeya xaga dagaalka haday haystaan qalab u dhigma ciday is hayaan.Soomaalidu carab waa ka sareeyaan afrikaana warkii iskaba daa yurubna iyo cadaanka haba sheegin iyaga.soomaalidu dhaqan ahaan iyo dadnimo ahaan waa dadka usareeya aduunka mana aha dad liita oo la adoonsado oo wax loo yeeriyo.

Dawlad la aantii ku dhacday iyo burburkii ku dhacay soomaaliya mudo 30 sanadood ku sii dhaw,ayaa habar walbaa ka faa iidaysatay oo isku taagtay maanta.wax kalaba iska daayoo carab ayaaba lagay qaqabanayaa maanta oo ii fakfakanaysa!!! hada waa carabtaan ogayn.

Waxaaba maanta i hawaysatay afrikaantii markaan xabad kor u rido sidii lo gisidii isbuuran jiratay! intii soomaali isku jeeday dhexdeeda ee aynu dayacnay diinteenii iyo dalkeenii iyo dadkeenii ayaaba laynaga dhigtay shaadh suuq yaala oo nin walbaa isku fiirsho.

Warba wuxuu ku soo idlaaday maanta libaaxii soo kacyay ee tolow xagee laga li doonaa? dawlado carbeed iyo kuwo afrikaan ah ayaa durba laabtii dilaacday oo hiraan hir bilaabay iyo neeftuur nafay lagu waa! Soomaaliya waxaa u kacay rag xul ah oo wadaniyiin ah oo geesaayaal ah.Soomaaliya waxay heshay dawlad walaal ah oo xadaari ah oo leh cudud ciidan iyo xoog.waxay boorka ka jaftay dawlada Turkigu libaaxii balku ka qoyaana waayadanba!

Madaxwaynaha umada soomaaliyeed halyay geesi soomaali wadani mudane madaxwayne FARMAAJO waxa uu kor u qaaday calankeenii cirka ahaa ee lahaa xidigta cad ee shanta geesleh.waxa uu dhisay ciidankii xooga dalka soomaaliyeed sibuuxda.waxaa lasugayaa dhawaan amaanka dalkeena cir bad iyo bariba oo waxaa sugaya xooga dalka soomaaliyeed iyo shacabkooda oo isku duuban.waxaa sas iyo khoof ku dhacay iyo baqdin iyo argagax cadawgii dawlad diidka ahaa iyo kii shisheeye.

Dalka soomaaliyeed oo noqonaya hada quwada afrika uugu xooga badan hub iyo milatariba ayaa ah mid ay ku diirsanayaan shacabka soomaaliyeed ee quruxda badan ahna hodanka.soomaaliya waa dad sare awalba wax ina caawiya ayaan waynay hadase waa helay.Soomaaliya dhismaha ciidan iyo cududa yaabka leh waxaa u dheer,Shiidaalka dalkeena oo lasoo saarayo inaga noqonayna dalka aduunka uugu taajirsan tana waa bishaaro labaad.

Dawladnimadii hubkii iyo ciidankii iyo dhaqaalihii ayaa illaahay ina siiyay aduunka inagaa koon taroolayna dhawaan.hadaba waxaa la rabaa soomaaliyeey inaynu dalkeena ilaashano,dadkeenana amaankooda ilaalino si dalkooda ay uugu raaxaystaan,ma rabno tii illaah mooyee in dad dambe inaga dhinto oo xabad ku dhinto macno la aan ah kadibna ay dhaafto in uu ku raaxsayto nicmada dalkeena. qofkastoo soomaali ah waxa ku soo hagaagaya malaayiin dollar.

Hada waa in aan ka fakaraa,sidee ajinabi uga ilaashanaa dalkeena hodanka ah,mar dhaw waa laynoo soo shaqa tagayaa.waa in aan kafakaraa sharafka dadkeena dalkeenana ilaashanaa.dalkeenu wuu ka baxay dawlad la aantii,wuuna guulaystay hada waa xiligii aynu dalkeena si nabad ah hadaynu nahay soomaali uugu raaxaysan lahayn,Aduunkii oo dhan baa raba in uu ka shaqaysto dalkeena oo ku noolaado waxaa la rabaa in soomaali arimahaas ka fakaraan kana tashadaan.

Wax la qarinayo maha shidaalka waa lasoo saarayaa mar dhaw.waxaa inala gudboon in aan ogaano waxaan haysano kana fakaro sidaan dadkeena u hormarin lahayn oo u noolayn lahayn,sidaan dalkeena u illaashan lahayn,sidaan dalkeena uugu raaxaysan lahayn.sidaan dawlad nimadeena u ilaashan ahayn.waxaa larabaa in aan shacab iyo dawlad isku duubnaano.hawlahan yar yaroo hada dhiman ee dawladni wado waa in aan ku taageeraa hiil iyo hooba dawladeena si aan u gaaro guushaas muuqata, hadii dalkeenu ahaan lahaa mar horaba dal leh dawlad shaqaysa oo dalku yahay mid leh dawlad iyo kala danbayn marhore ayaa lasoo saari lahaa khayraadkeena.

Laakiin inagiibaa isku habsaanay oo dayacnay dadkeenii iyo diinteenii iyo dalkeeniiba cid kale eer san mayno hadaynu nahay soomaali.hada waa dhawnahay dawlad waa haysanaa aan xajisano oo hor usocono aduunkuna waa nabad iyo nolol.soomaaliya way guulaysatay waxaana u mahad celinaynaa illahaay ina siiyay dawladan daacada ah ee inoo shaqaysay inaga saartay foolxumada iyo ceebta.waxaan u digaynaa qolooyin shisheeye kalkaal ah oo ah dabadhilifyo ah oo hagardaamo ku haya jiritaanka umada soomaaliyeed ee dawladaba.

Waxay jecel yihiin in lawaayo dawlad soomaaliyeed oo dib danbe u shaqaysa. waxay la caqli yihiin shilimaan,qofka noocaan ahi waa habarti dile,makala jecla maxaa xalaal ah maxaase xaaran ah? kooxda hada dawlada hortaagan oo loo yaqaan XAARAN QUUTAYAAL, waxaan leeyahay NINKII QALBIGIISU BUKO EEBAA BOGSIIYE WAR HOOY WAR HOOY XAARAN QUUTOOW BILAAWUHU YUU KUMARINEEY! waa digniin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE