Dhageyso Generaal Cabdulaahi Waafow “Shaabkii Ugu Badnaa Ayaa Caawa La Keenay Dhanaane, Waxay Weerar Kusoo Yihiin Nambar 50 Iyo Nawaaxigeeda”

Gudoomiyaha Degmada Nambar 50 Cabdulaahi Cali Axmed (Waafow) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dagaal cuslus maanta ay la galeen maleeshiyada kooxda Shabaab.

Dagaalka ayuu sheegey in uu ka dhacay dhowr meel oo ya ka mid yihiin Muuri, Nambar 50 iyo aagga Bariire halkaas oo uu sheegey in Shabaabkii ugu tirada badnaa ay kasoo weerar tageen.

Waxa uu beeniyey in dagaalka uu u dhaxeeyey Maleeshiyo beeleed, waxaana weydiin uu ka keenay cidda sheegan karta dagaalkii maanta oo ku tilmaami karta mid beeleed, hadii ay jiraan dad noocaasi ah ayuu sheegay inay yihiin kuwo warka loosoo dhiibey oo ku hadlaya afka Alshabaab.

Dhinaca kale wuxuu baaq u direy dowladda fedaraalka ee Soomaaliya oo uu sheegey in ay ku war geliyeen dhaq dhaqaaq Alshabaab ay ka wado Dhanaan iyo deexda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE