Duqeyn Lagu Dilay Ku Dhawaad 15 Maleeshiyaad Shabaab Ah Oo Ka Dhacdey Koonfurta Soomaaliya

Qoraal ka soo baxay xafiiska ciidamada Mareynkanka ee Africa (Africom) ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareynkanka oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya duqeyn diyaaradeed ay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya laguna dilay 13-malseehiyo oo ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Mareynkanka ay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya, meeshanailaa meesha laga saaro  kooxda Al-Shabaab.

Mareynkanka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo ciidamada Amaanka Qaranka Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan sidii si wada jir ah loogu bartilmaamedsan lahaa xarumaha ay ku tababartaan ururka Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howl galo ka wada gobollada dalka kuwaasoo bur buriyay saldhigyo kooxaha Shabaab ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah dalka.

Mareynkanka oo kaashanaya saaxiibadiisa caalamiga ah ayaa balan qaaday in ay siinayaan ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo AMISOM tagaarada dagaalka dhanka ah kooxaha Shabaab iyo Daacish.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE