Somaliland Oo War Kasoo Saartey Hawada Soomaaliya Oo Maamulkeeda Lagu Soo Wareejiyey Magaalada Muqdisho (Video)

Maareeyaha hay’adda duulista Somaaliland Duuliye Sare Cabdi Maxamed Rodol oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Hargeysa ayaa sheegay inaysan aqbali doonin in hawada Somaliland laga maamulo magaalada Muqdisho.

Duuliye Cabdi Maxamed Rodol ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka baxday heshiiska ay hore u wada galeen dowlada Soomaaliya ee  Istanbul 1 & 2.

Agaasimaha Duulista Hawada Somaliland ayaa ugu baaqay   Qaramada Midoobay, Dowladaha deriska ah, Hey’adda ICAO isagoo sheegay inaysan marnaba raali ka ahayn in Somaliland hawadeeda laga maamulo magaalada Muqdisho,balse ay diyaar u yihiin inay wadahadaladii hore u socday ay ka qeybgalaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE