Dhageyso Waxqabadka Xukuumadda Soomaaliya Inta Ka Yar Halka Sano Ee Ay Jirtey

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadiisa Sanadkii tagay ee 2017-ka.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in dhammaan ay bixiyaan mushaaraadka shaqaalaha dowladda, sidoo kalena ay heshiisyo la galeen Dowladdo iyo Hay’adddo Caalami ah, Isagoona sheegay in taasi ay dowladda siisay fursado badan.

Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto in wixii ka dambeeya Bishaan Janaayo uusan qof Soomaaliyeed waayin mushaarka uu ku leeyahay dowladda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE