Odayaal Abgaal Ah Oo Heshiis La Dagaalanka Alshabaab Ah Degmada Nambar 50 Kula Galay Beesha Biimaal

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya oo galbinaayey Odayaal  dhaqameed ayaa maalinimadii shalay soo gaarey degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Ujeedka socdaalka ayaa sida ay sheegeen waxay aheyd inay qiimeeyaan dagaal laba maalin ka hor dhex marey Maleeshiyada Alshabaab iyo Ciidamada Maamulka Nambar 50, hase ahaatee dagalkaas ay sheegteen Beesha Abgaal oo bilooyinkii lasoo dhaafey afahayeen u noqotey Kooxda Shabaab.

Kulan dhex marey Odayaal deegaanka ah, Odayaasha Abgaal iyo Saraakiisha wasaaradda Gaashaandhiga ayaa waxa lagu soo bandhigey tabashooyin iyo calaacalka Abgaal oo dagaal waji cusub ah kula jira dadka deegaanka ee ay boobi rabaan dhulkooda iyaga oo adeegsanaayo awooda Maleeswhiyada Alshabaab.

Odayaasha dhaqanka beesha Biimaal ayaa madasha la wada fadhiyey ka sheegey in aysan ogeyn dagaal u dhaxeeya Abgaal iyo Biimaal hase ahaatee ay ku jiraan dagaal Alshabaab kala dhaxeeya kaas oo soo socdey dhowrkii sano ee lasoo dhaafey laakiin la cadeeyo hadii ay jirto colaad Abgaal oo Biimaal ka qarsoon si loo yeesho qorshe kale oo ka duwan kan xilligaas loo fadhiyey.

Saraakiisha Milateriga Soomaaliya ayaa labada dhinac ka dalbadey wada shaqeyn iyo in  leyska kaashado sidii hal mowqif loogu yeelan lahaa cadowga Shabaab oo marba beel cusub ku qasbaayo inay dagaalka kala qeyb gasho.

Odayaasha Beesha Biimaal ee gogosha ku jirey ayaa banaanka keenay cududa iyo fikirka ay kala hor tageen Alshabaab ayna rabaan in la helo Abgaal oo Shabaab iska ber yeela oo ka shaqeeya si nabad loogu soo dabaali lahaa deegaanka oo loo nabad geliyo dadka iyo duunayada oo wehel u noqdey colaad joogta ah.

Madasha ayaa waxa lagu kala saxiixdey ilaa todoba qodob oo Abgaal ay ku sheegeen inay iska ber yeeleen Maleeshiyada Nabad diidka ah ee Alshabaab

1-In si nabad ah loogu wada noolaado Deegaanka

2-In Hal ujeedo laga lahaado dagaalka lagula jiro Alshabaab

3-Gudi lagala xisaabtamo oo loo saarey wixii dib ka dhaca, (Tusaale dhinaca Abgaal hadii ay xabad kasoo dhacdo iyaga lagala xisaabtamaayo oo wax laga weydiinaayo)

4-Abgaal inuu iska beri yeelo garabsiinta kooxda Alshabaab oo dagaal barakicin ah ka wado deegaanada beesha Biimaal.

5-In Xoolaha iyo dadka ay isku gudbaan Ceelasha iyo dhul daaqsimeedka

6-In Labada dhinac ay iska xog siiyaan dhagarta Alshabaab

7-In Saraakiisha dowladda labada dhinac ay kala shaqeeyaan dhaqangalka heshiiskan.

Odeyaasha beesha Abgaal ayaa balanqaaday inaysan markale Alshabaab kala qeyb galeynin dagaal lagu qaado deegaanada beesha Biimaal isla markaasina ay ciidamada maamulka degmada Lambar50 ay ku wargelinayaan haddii ay arkaan Alshabaab weerar ku soo ah deegaanada labada beel ay wadaagaan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE