Wasiiradda Gargaarka Maamulka K/Galbeed Oo Booqatay Xero Ay Ku Jiraan Dad Ka Soo Barakacay Deegaanka Abal(Sawiro)

Wasiiradda Gargaarka maamul goboleedka K/Galbeed marwo Binti Ibraahim Cali ayaa booqatay barakacayaal cusub oo kasoo barakacay deegaanka Abaal ee gobolka bakool.

Dadkan waxaa soo barakiciyey maleeshiyada kooxda Alshabaab halka qaarka kalena ay ka soo carareen abaaro dhowaan kasoo cusboonaaday deegaanada koonfur galbeed ay, waxaa ku jiro dadka soo barakacay hooyooyin umul ah kuwaasi oo gaajo darteed unuujin waayay caruurteeda. Sidoo kale, dadka Wasiirada ay xeradda ku booqatay waxaa ku jiro cunug yar oo sokor ku dhacday aadna u macluulsan iyo hooyo 80 jira oo xanuuno mudo badan qabtay aawgeed u nafaqo weeyday ayna macluul darteed koomo kujirto.

Booqashada Wasiiradda waxaa ku wehlinayay madaxda hay,ada Islamic Relief.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE