Waxay Ka Masayr San Yihiin Ilbaxnimada Madaxwaynaha Soomaaliyeed Farmaajo Iyo Raysal Wasaaraha Dalkeena Khayre W/Q Yuusuf Omar

Taariikhdu waa mid aan ka helayno xusuus iyo ku cibro qaadasho waayaha aduunka.Maalmuhu kala nasiib badan,dadkuna kala ayaan badan.waxa dalkeena soo maray maalmo kharaar oo dhib badan oo mugdi ah iyo maalmo macaan oo faraxad iyo khayr iyo hormar leh oo lagu naaloodo.

mudo ku dhawaad nus qarni ah ayaa dalkeena waxaa hareeyay daruur mugdi iyo dib u dhac noocii uugu xumaa ee asiiba aadanaha,taasoo ah MAQNAANSHO DAWLO.way garanayaan dad yawga aqoonta leh ee ah dawlad yaqaanku dhibka ay leedahay dal ama qaran jira oo waa yay dawladnimo.maxaa yeelay kolka la waayo dawladnimada,waa lumaya xurmada iyo sharafka qofka wadaniga ah.waxaana lumaya xeer iyo sharci iyo kala danbayn taasoo keenta in qofku uu xataa lumiyo caabudidii allihii uuntay,dhibka dawlad la aanta darteed.

Inagoo dalkeena soomaaliya uu yahay meel ay hantiyeen XAARAN QUUTAYAAL soomaali ah iyo cadaw shisheeye oo isu kaashaday hagardaamaynta gayiga soomaaliyeed iyagoo ka faa iidaysanaya oo kaliya MAQNAANSHO DAWLO oo ka dhacay dalkeena.Ninbaa hadloo waxa uu yiri “MAR UNBAA CURADO KHAYR QABOO U KACA LA ARKI DOONAAYE” Rabi naxariis tiisa waxa uu inoo dhaliyay dawlad markay curatay laga arkay oo laga dareemay dalka soomaaliyeed oo dhan iyo daafaha calaamka guud ahaan.Mar unbaa la arkay iftiin iyo nuur kabaxay gayiga soomaaliyeed taariikhdu markay ahayd 8.2.2017 waxaa dalkeena loo doortay MUXAMED BINU CABDULLAHI oo ah ninkii ay soomaaliya mudo dheer tabaysay oo sugaysay oo ay illaahay ka baryeen inbadan.Waa hogaamiye ah wadani leh sifooyin gaara.marka horaba illaahay waxa uu siiyay magac wanaagsan oo ah magacii rasuulkeena muxamed binu cabdullaah.waa magac muslimku jecel yahay in ay had iyo jeer la baxaan nin kii rabi uqoro ayaana hela nasiibkaas.

Madaxwaynaha umada soomaaliyeed waa geesi,waa hogaamiye leh miisaan iyo ka fiirsi,waa nin leh go aan adag iyo hogaamin suuban.waxaa lagu qadariyaa guud ahaan caalamka iyo dadka soomaaliyeedba doorkii taariikhiga ahaa ee uu ka qaatay,khilaafkii dawladaha carbeed dhemaray isagoo go aansaday soomaaliya in ay ka tahay arimahaan dhex dhexaad.Arintan masamayn karo nin aan ahayn geesi iyo hogaamiye adag oo leh go aan.waayadana lagama filanayn soomaaliya hogaamiye caynkaas ah.

Dawlada soomaaliyeed oo ah mid had iyo jeer u baahan,taageero caalami ah iyo xiriir maadama dalkani yahay mid mugdi ku jiray 27 sanadood,oo ah meel amaan ahaan iyo dhaqaale ahaan intaba aad u liita,ayaa ka feejignaaday in uu cidna coleeysto oo xulufaysto isagoo eegaya danta dalka dadka iyo diinta,tanaa ah go aan iyo aragti fog oo hogaamiye nimo.Dadka soomaaliyeed ee faraxadii soobixidii madaxwayne MUXAMED BIN CABDULLAHI aduun yadu layaabtay jacaylka xadkaa gaaray iyo kalsoonida ay shacabka soomaaliyeed ku qabaan madaxwaynahooda,maha wax iska dhacayay ee waa ogaansho iyo fahan dadka soomaaliyeed ay u qabeen madaxwaynahooda.

Kama sheekaynkaro mudada yar ee uu kursiga fadhiyo,waxa inoo qabsoomay,xag amaan iyo xag dhaqaale iyo xag musuqmaasuq la dirir intaba waxaan haynaa isbadal wayn oo cad oo muuqda.waxaan haynaa ciidan kii xooga dalka soomaaliyeed noocyadiisa kala duwan oo dib boodhka looga jafay oo u taagan diifa dadkooda iyo dalkooda iyo diintooda.Waxaan haynaa soomaaliya oo yeelatay haybad dawladnimo oo buuxda.waxaan haynaa karamadii qofka soomaaliyeed uu ku lahaa caalamka oo soo noqotay iyo calankeenii oo ka babanaya daafaha aduunka isagoo laga haybaysanayo.

Waxaan aragnay oo haynaa hawadeenii ay iska maamulanayeen XAARAN QUUTAYAAL iyo shisheeye oo nin inoo soo dhiciya oo ku dhaca la waayay oo maanta madaxwaynaheenu inoo soo dhiciyay oo maanta aynu xukuno hawadeena in aynu diyaaradaha ka gooshaya inagu hagayno oo maamulayno.Hadal looma baahna wax cad oo la hubaan haynaa,daymankii oo laynaga cafiyo iyo tix galin dhaqaale ayaan haynaa.nabad iyo hormar la tiigsado ayaan haynaa mudadan yar.

Waxaan haynaa madaxwayne iyo raysal wasaare wadaniyiin ah oo isku duuban,oo leh wada shaqayn nin walbaana hawsha ka wado dhankiisa iyadoo lays ixtiraamayo oo hal layahay.isku duubnida madaxdeena sare waxay horseed u tahay hormarkaa ay soomaaliya dawaldeedu gaartay oo dalkeenii ka qaaday dhulkii uu yiilay.XAARAN QUUTAYAAL iyo MOOSHIN LAY way daaleen shisheeyana waa quustay. waxay layaaban yihiin XAARAN QUUTAYAAL sidee ku dhacday in madaxwaynaha iyo raysal wasaara is khilaafi waayaan? mooshin layna waxay ogaadeen in la noolaan karo mooshin la aantii markaa baarlamaanku hada waxa uu ku jiraa difaaca diinta dadka iyo dalka oo waxa uu ilaalinayaa sharafka qaranka soomaaliyeed waana mahad sanyihiin fahamkoodaas.

Waxaa XARAAN QUUTAYAAL iyo shisheeye dan leey ah oo kashaqeeya had iyo jeer in soomaaliya aysan helin dawlad iyo kala danbayn soo wajahay hoog iyo halaag kaga imanaya xoogaga muwaadiniinta soomaaliyeed oo ku baraarugay cadawgooda ilaashanaya dalkooda iyo dawladooda si ay u noqdaan dad iyo dal jira oo laga haybaysto.dibad iyo dalba waxay soomaalidu u kaceen in ay ilaashadaan oo difaacdaan dawladooda iyo dalkooda oo ah waajib diiniyan ah.Soomaaliya waa lakala baxay,dad yar oo u adeegaya shisheeye oo daba dhilif ah laguna raad joogo,iyo 99% sagaashan iyo sagaal boqolkiiba shacabka soomaaliyeed oo u istaagay in ay dalkooda ilaashadan difaacdaan isla markaana hormariyaan oo dhistaan si caruurtoodu u hesho dhaxal wanaagsan iyo dawladnimo iyo karaamo taasoo keenaysa nolol wanaagsan iyo nabad galyo.

Madaxwayne farmaajo iyo khayre waa wadaniyiin waana aragnaa,dalkeena ayay dhisayaan hormarinayaan.hadaba dad ayaa ka xumaaday oo u quuri waa yay libintaa ay gaareen oo leh sidee u heli karaan,inay dalka nabadeeyaan oo taariikhdu qorto!!? waa xiqdi iyo xasad xagooda ahaaday XAARAN QUUTA YAASHAAS DAWLAD DIIDKA AH. waxay kamasayr san yihiin MADAXDAWYNE FARMAAJO iyo RAYSAL WASAARE KHAYRE,ILBAXNIMADA IYO HOGAAMINTA SUUBAN EE AY LA YIMAADEEN.waxaa weeye anigu ma gaarin heer kaas ee sideed ku gaarteen heerkaas weeye! waa quuri waa iyo maysayr loo wada jeedo.

Reer magaalnimada iyo ilbaxnimada iyo sharafka iyo xukunka ilaahay baa baxsha ninkuu doono ayuu siiyaa.Madaxwayne MUXAMED BIN CABDULLAHI waxa uu ku dhashay Magalada MOGDISHO oo ah casimada soomaaliyeed,waa uu ku barbaaray waxana ku bartay,kadibna waxa uu nasiibkiisa ku noolaa mid kamid ah dalalka aduunka uugu hormarsan xoog iyo dhaqaalaba waa AMERICA waxa uu kadhigtay tacliin sare oo heer jaamacadeed ah,heer magaalnimo iyo ilbaxnimo tii udanbaysay waa dhameeyay Madaxwaynaheenu farmaajo,markay sidan tahay arinku waa qayb illaahay oo hade ma orankaro illaahayoow maxaad u siisay isaga oo aad aniga iisiin wayday!? deeqda rabi bixiyo hade ma weerari karo.

Hadii adiga tuulo joog xaalkaagu ahaaday,oo aad ku dhalatay baadiya gobolada dhexe,hayeeshee aad MOGDISHO timid 1991 dii,qarankii soomaaliyeedna aad ceeb baday iyo arimo aan halkaan loogaba sheekayn karayn,inaad ilbaxnimo xoog ku doontaa waa liidnimadaa uun,waxaanse kaagadigayaa isku dheerarinta wiil kaa ilbaxsan kaa diinbadan,kaa wadanisan,kaa aqoon badan.kaa soomaalisan.khayrana hade isagu waaba ninkaa 10 facood dagan mogdisho qofkasta oo soomaaliyeedna waa ogyahay in uu yahay dhal magaalo oo soojireen ah.masayr ayaa dad meel daran ka tuuray horaa looga maah maahay oo loo yiri” DHAR MAGAALO IN AAD QAADA TAA WAA DHAWDAHAY,LAAKIIN IN AAD NOQOTO DHAL MAGAALO WAA DHEER TAHAY”

Waxaan kusoo koobayaa HORMARKA ILBUXU HOGAAMINAYO AYAA LAGA MASAYR SAN YAHAY.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE