Faafaahinno Kala Duwan Oo Laga Helaayo Qarax Miino Oo Xalay Ka Dhacay Duleedka Magaalada Marka (Sawiro)

Qarax Miino oo xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Ismaan Quulle ee duleedka waqooyi ee magaalada Marka ayaa waxa ku geeriyootey laba ka mid ah Ciidamada dowladda oo halkaasi ku sugnaa halka ay dhaawacmeen seddax kale.

Guri ay ku jireen Ciidamada ayaa gidaarkiisa waxa lasoo dhigay Miino nooca fiillooyinka ee laga maamulo goobo aan sidaa uga fogeyn, iyadoo sidoo kale saameyn xoogan qarax uu u geystey dadka halkaasi ku dhaqan.

Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow iyo saraakiisha Ciidamada oo halkaasi booqdey ayaa sheegey in ay wadaan baaritaan ay ku ogaanayaan sida weerarkan loosoo agaasimey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE